X

Xisbiga Ucid wuxuu u xiran yahay Faysal Waraabe iyo fanaanada Maandeeq oo xisbiyada ka soo muuqatay

Suldaanka guud ee beesha dhexe Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa sheegay inuu quus ka joogo dhexdhexaadintii Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen, islamarkaana uu hadda faraha kala baxay dhexdhexaadintooda.

Waxaan moodey in uu yahay xisbi qaran oo beeshu wada leedahay hadase waa xisbi nin u xiran waanan ku daalau dhexdhexaadintiisa, waxaan leehay Jamaal Cali Xuseen meesha iskaga tag.

Dhinaca kale waxa ka soo ag muuqatay Suldaan C/qaadir fanaanada ruuga cadaaga ah ee Maandeeq oo sacab ka ag tumaysa suldaanka. Lama oga in ay isku ceebaysay siyaasada qabiilka ah ee Woqooyiga iyo gooni goosadka.

Waxaan Jamaal Cali Xuseen leehay Jamaalow meesha waxba kuuma yaalaane ee ku soo biir xisbiga Wadani inta aanu waqtigu kaa dhicin.

Maxameed Yuusuf

ARAABINEWS.COM

 

admin:

This website uses cookies.