Waxaa shalay xarunta wasaarada arimaha dibada ee Kiiniya ee Nayrobi kulan sadax geesood ah ku yeeshay wasiirka arimaha dibada ee Kiiniya Amina Maxamed,wasiirka arimaha dibada ee Somalia Cabdisalaam Hadliye iyo wakiil ka socday hay’ada UNHCR.
Shirkan ayaa looga hadlay waxyaabihii ka qabsoomay heshiiskii sadaxda dhinac magaalada Nairobi ku dhexmaray saandkii 2013 kaas oo la xidhiidhay dib ucelinta qaxootiga kujira xeryaha Dhadhaab.Wasiiradu waxay kulankan ka sheegtay in barnaamijka dib ucelinta qaxootiga Soomaaliyeed uu udhici doono si bini-aadamnimo ah.
Wargeyska the star oo soo xiganaya masuul katirsan ayaa sheeggay madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe balan qaaday in dhul dhan 10 kun oo hektar oo kuyaala waqooyiga magaalada Kismaayo udiyaariyay in dib loo dejiyo qaxootiga ku sugan xeryaha Dhadhaab.
Wargeysku waxa uu xusay in la diyaariyay naqshadii xerada cusub bangiga aduunkuna uu bixin doona kharashka hore ee ku baxaya diyaarinta xerada duleedka magaaladda Kismaayo.
Dhanka Kiiniya, dhaqaale ahaan waxay diyaarisay hal bilyan oo shilin Kiiniya ah iyo 6 kun oo teendho.
Warbixintan waxa soo ururiyay C/llaahi WArmooge
ARAABINEWS