X

Xoolo dhaqato u adkeysan waayay baada argagixisada oo hubka qaatey Xudur

Xoolo dhaqato u adkeysan waayay baada argagixisada qaato had iyo jeer ayaa ugu dabeyn ka dhiidhiyay dulmiga hubkana qaatey. Xoolo dhaqatadan oo is abaabuley ayaa kaalmo ka helay dawlada waxay ku guulaysteen in mar dambe argagixiso soo dhawaan.


Dagaal dhawaan dhexmaray kooxda gaalaynta oo u badan caruur aan qaan gaarin ayaa lagu jabiyay. Markii kooxda gaalaynta Muslimiintu isku habar wacateyna waxa xoolo dhaqatada soo gaaray gurmadkii ciidanka dawlada.


Waxaan arkaysaa in dadku kolka bilaabay inay is abaabulan oo si keliya oo loo jabin karo kooxda gaalaynta Muslimiinta oo ku dhex dhuunta dadka dhexdisa xataa ka mida kuwa kula jooga ayuu yiri Cali Calasow.

Dagaalkan u dambeyay ayaa ka dhacay deegaano hoostaga Xudur oo lagu magacaabo YabYab. Xoolo dhaqatadan ayaa la baxay magaca Cali Qaran.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.