X

Xoriyada aan helnay waxay keentay inaan raacno hamiga aan lahayn: Kalkaaliso Sacuudi ah

Haweenkaa Sacuudiga ayaa intii ay heleen xoriyado badan oo ka maqnaa sida inay gaari kaxayn karaan, keligood adeeg doonaan karaan, baasaboor yeelan karaan oo bangi keyd furan karaan, waxay hadda ku darsadeen inay noqdaan kalkaalisada diyaarada Sacuudiga.

”Waxaan aad ugu faraxsanahay fursada hadda noo soo baxday iyo xoriiyada aan dib u helnay, hadda waxa naloo qaatey ii qaatey inaan noqono kalkaalisada diyaarada dakku leeyahay ee Sacuudi Airlines Anhaar Tashqandi.


”Anaa ugu horeeyay waxase furatey bad waayo gabdho badan oo guriga ku ciilanaa oo xoriyada laga qaaday ayaa hadda u dareeray shaqooyin inta badan ay hayaan haween ajaaniba ayay raaciyeen.

Hadda waxaan booqan karaa wadamo oo aanan awal ku fikiri jirin inaan arko halkaana waxa iiga soo kordhaya aqoon iyo dhaqamo kale oo aan hore u arag ayay raacisay Anhaar Tashqandi.


Muddo hadda laga joogo sadex sano ku dhawaad ayaa amiirka da’da yar ee Maxamed Salmaan uu shaaca ka qaaday in SAcuudigu ku noqon doono diinta saxda oo dhaqamadii ay ku dhaqmayeen aan meelina uga jirin.

Dhaqamada noocana ayaa hadda ay ku faafiyeen dalal ay ka mid tahay Somaliya ayagoo adeegsanaya wadaado wax ku soo bartey xagooda ama ay biiliyaan.


Halka diinta Islaamku xoreysay haweenka 1442 sano kahor haweenka Sacuudigu hadday mar labaad xoriyadaa dib u heleen. Sacuudiga oo ah saxare Somaliya wax looga qaadi jirey ayaa RABI u aqbalay ducadii rasuulada haddana ku fadhiya barwaaqo aan dhamaanayn ilaa inta laga gaadhayo saacadaha dambe.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.