X

Xubnaha ka soo jeeda gobolada Woqooyi oo shir qabsaday

Xubnaha iyo cuqaasha ka soo jeeda gobolada Woqooyi ayaa shir ku qabsaday magaalada Muqdisho kaas oo lagu lafogurey xaalada doorasho ee dalka. Cuqaasha oo ka hadlay goobta ayaa taageeray guddiga doorashada dadban oo hawshooda bilaabay.


”Waxaa la fuliyay heshiiskii u dhexeeyay dawlada dhexe iyo maamul jufeedyada kaas oo qeexayay nidaamka doorasho ee dalku galayo, sidaas awgeed waxaan taageero u haynaa guddiga doorashada ee ka magacaabay ayuu yiri caaqil ka hadlay shirka.

”Qaarbaa odhanaya hadda war odayaashii dhinaca xukuumada ayay raaceen ayuu raacay caaqil hadlay wuxuuna intaa ku daray waanu raacaynaa.


”Ninkii wax isku hayoow dee kasbo shacbiyada xildhibanada soo socda ee meel aan looo baahney hadal deelqaafa haka jeedin ayuu yiri siyaasi Maxamed Obsiiye.

”Masraxu waa furan yahay cidii ka soo qayb galaysa waa la rabaa laakiin inad aduun kale u qaylido waxaan odhan lahaa wax iskula hadha aayuu yiri Dr C/raxmaan Beyle.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.