Xubno wasiiro oo ka tirsan maamulka Khaatumo State oo la sheegay in ay isku dhiibeen maamulka Somaliland ayaa wararku sheegayaan in ay Buuhoodle dib ugu laabteen.
Wararka ka imaanaya magaalada Buuhoodle ayaa Waxa warar ku sheegayaan inay saacadaha soo socda shir jaraa’id qaban doonaan, kana warbixin doonaan waxii ay la tageeen Caynabo.
Waxa wararku intaas ku darayaan in halkaas ay u tageen gogol xaadh wada hadalo IGAD qayb ka tahay oo ka dhici doona dalalka debeda mid ka mid ah.
Goor sii horaysana maamulka Khaatumo ayaa sheegay in talo lagu direy xubnahaas, isla markaana ay halkaas u tageen si ay u gudbiyaan shuruudo horudhac u ah wada hadalo mustaqbalka dhexmari doona maamulka Khaatumo iyo maamulka Siilaanyo horboodo.
Dad badan ayaa ka walaacsanaa xubnahaas wasiirada iyo waxgaradka ahaa ee tegay Caynabo, ayadoo dad badan sheegeen inay goosteen, balse soo noqoshadadooda deg dega ah ayaa u muuqata in arimo siyaasadeed oo Qarsoon jiraan. Sidoo kale waxan la ogeyn in maamulku u dhamaa iyo in koox gaar ah ku talo xumaysatay.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS