X

Xulka Awdal oo garaacay koox ka socotay Hawd oo intooda badan Burco ka yimi iyo muran ka taagan xulka Salal

Ciyaaraha maamulka Somaliland ayaa qayb ahaan ka furmay Boorama halkaasoo xulka gobolka Awdal u garaacay xulka Hawd oo intooda badan ka yimi Burco. Guusha reer Awdal kadib ayaa waxa dhacay buuq iyo qalalaase waxana la arkayay askarta oo sida caadiga rasaas rideysa. Inta la ogyahay cid wax kuma noqon waxayse muujinaysaa fowdada lagu yaqaan Somalida.

Dhinaca xul qabiil ahaan looga keenay Jabuuti ayaa iyana muran xoogfa ka taagan yihiin iyadoo aan hore u daawanay in dhalinta reer Saylac ka qaylinayso dhalintan qabiil aan looga keenay Jabuuti si loo yiraa waxay degan yihiin Saylac. Qorshahan ayaa waxa watay wasiirka ciyaaraha maamulka Somaliland oo lagu yaqaan qabyaal.

Lama garan karo sida xulka Salal ku heli karo aqoonsi maadaama uuna matalin magaalada uu ka soo jeedo. Dhinaca kale Muuse Buuxi oo qabyaaladiiste SNM ah ayaa u qaybiyay dhar iyo kabo xulka Jabuuti laga keenay. Waxa jira warar sheegaya in xulka saxda iman doono Boorama.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.