X

Xulka gobolka Awdal oo casar dheer direy xulka Sanaag iyadoo goolna laga dafirey

Ciyaar ku dhexmartey xulka gobolka Awdal iyo kan gobolka Sanaag ayaa gobolka Awdal casar dheer direy xulka Sanaag ciyaar inta badan ay hogaanka u hayeen dhalinta gobolka Awdal.

Gobolka Awdal ayaa ka qaybgalaya ciyaaraha gobolada maamulka Somaliland iyadoo ciyaarahan ay baaqdey muddo dheer uguna wacnayd dilal ka dhacay Boorama iyo garoonka Hargeysa oo la dhisayay.

Cioyaarahan waxa furey madaxweynaha maamulka Somaliland Siilaanyo oo hadda la geeyay Itoobiya iyadoo aan la sheegin sababta xilli Somaliland lagu haysto aalado u soo dega oo khatar ku ah degmada.

Ciyaarta ayaa gobolka Awdal ku garaacay kan Sanaag 2 iyo eber iyadoo gool sadexaad laga dafirey. Gobolka Awdal ayaan la filayn inuu ka soo dhexbaxo jufooyinka uu kalidii ka yahay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.