X

Xuska maalinta weyn ee 21 Oktoobar

Dalkeena Soomaaliya wuxuu leeyahay maalmo xusuus mudan oo aan la hilmaami karin shacabka Soomaaliyeedna ay u dabaal degi jireen.

Maanta waa 21 October, waa maalintii uu curtey kacaanka Somaliya ee 1969-kii Bishi October 21kedi, waxay aheyd markii dawladii Kacaanka ay la waregeen maamulkii dawladda dalka somaliya kadib marki ladilay madaxweynihii dalka somaliya (Allah ha u naxariistee) marxuum Cabdi Rashid Cali Sharmarke oo lagu dilay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool

Kacaankii 21 Oktoober oo uu hogaaminayey geesigii soomaaliyeed Maxamed Siyaad Barre ( Allah janadii haka waraabiye) ayaa gacanta ku dhigay maamulkii dawladdi Somaliya, islamarkaana waxaa maamulka madaxtinimada loo doortay Jaalle Maxamed Siyaad Barre oo ahaa hogaamiyaha kacaanka.

Hadaba sanado kadib aya laga dareemay horumar balaadhan guudahaan dalka Somaliya.

Sababtuna waxay ahayed: Ummada Somaliyeed oo aaminsanyed fikir qudha oo ahaa Soomaalinimo ummada Somaliyeed oo lahayd hadaf qudha iyo midnimo.

Ugu danbeyntii markii la isku fiiriyo heerka aan maanta joogno waxaa Nasiib darro ah in Maanta aan dib u dhacnay dadkeeniina ay dacalada dunida iyo badaha ku dhamaanayaan ,qaarna qaxootiyada ku dhibaateesanyihiin halka dalalka Caalamku ay ku tallaabsadeen horumar ,, taas oo keentay in Soomaaliya loogu yeero Dal Fashilmay ,waxaana taa sabab u ah madaxdeedii oo noqday dhiig miirato danahooda kaliyana ka fakara tii shacabkana halmaamay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.