X

Xuska rasuulkeena (NNKH) oo lagu qabtey Nayroobi: SAWIRO

Sheekh Cabdullaahi Cali Aadan oo ku hadlay magaca qabanqaabiyaasha munaasabadda iyo Sheekh Shardi Mire Salaad oo isna culimada goobta ka hadashay kamid ahaa ayaa ugu horreyn ka hadlay ujeedada munaasabadda, iyagoo sidoo kale ka sheekeeyay ahmiyadda ay leedahay in la weeneeyo dhalashada nabi Muxamad N.N.K.H.

“Kulankan waa Xusuusin loogu talo galay in dadka jecel Nabiga(N.N.K.H)ay ogaadan in la gaaray bishii mowliidka dhamanteena kulanka waan u simanahay Muhimaduna waxa ay tahay in aan nabiga dhalashadiisa muujino”  ayuu yiri Sh. Cabdullaahi Cali Aadan

“Waxaan rabaa inan dhalinyarada ku baraarujiyo inay ku dadaalan barashada diinta islaamka si ay u difaacaan,hadii uusan qofka baran oo uusan aqoon lahayn waxaa suurta gal ah in lagu marin hababiyo wax aan jirin sidaa darteed waa muhiin in dhalinyaradu ay diinta Bartaan” ayuu yiri  Sh. Shardi Mire Salaad.

Dhankiisana, guddoomiyaha guud ee maamulka Ahlu sunna Waljamaaca Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa ku dheeraaday muhiimadda mowliidka, waxaana uu hoosta ka xariiqay in wax wanaagsan ay tahay in mar kasta la weeneeyo nabigeena Muxamad N.N.K.H.

“Waa muhiim in aan ogaano in aysan kuba jirin xafladaan aan hadda u fadhino in ay tahay mid banaan iyo mid aanan banaaneen ,  waxaa qiimo iyo wanaag inoo sii ah oo aan alle uga mahdineynaa in aan joogno goob aan ku muujineyno dhalashada Nabi Maxamad (N.N.KH)  ayuu yiri Sheekh Maxamuud Sh. Xasan Faarax.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.