Dawlada Yaman ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in la dhaqangeliyo heshiskii qaramada midoobey ee lagu saxiixay Masqad kaas oo dhigaya in dhamaan askarta hubeysan oo ay ku jiraan kuwa Sucuudiga iyo Imaaraadka oo Somali u dagaalamayso in ay ka baxaan dalka. Gooni goostaha Sucuudigu taageero ee Cabdulrabu Mansoor oo sheegta madaxwerynaha dalkla ayaa isna sheegay in uu diyaar yahay.
Heshiiska ayaa dhigaya in dhamaan askarta hubeysan ay ka baxaan Xuutiguna dib u baneeyaan goobihii ay qabsadeen oo ahaa dalkoo dhan ilaa markii dambe ay ka baxeen Cadan oo ay intooda badan qabsadeen.
Sucuudiga oo ay taageerayaan Yuhuuda iyo Maraykanka ayaa burburiyay haykalkii dhismaha ee dalka iyadoo ayna jirin hal wado oo fayow oo xataa ay ku jiraan isbitaaalada, masaajida iyo guryaha qadiimiga ah taas oo ka dhigtey dalka mid fashilmey.
Weerar ay qaaden Xutiyiinta ayay ku dileen ilaa 26 ka tirsan askarta Sucuudiga ee soo galay wadanka halka dhaawacuna yahay 34.
Lama garan karo in Sucuudiga iyo Maraykanku aqbali doonaan aqbalaada Xuutiga ee heshiskii dalka Cumaan elagu qabtey, waxaynse muujinaysaa horumar haddii la qaato.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM