X

Yaa Ka Dambeeya Telefishanka La Doonayo In Laascaanood Laga Hirgeliyo

Kadib markii ay ku guuldaraysteen in uu maamul beeleedka SNM uu wax ka bedelo fikirka shacabka xalaasha ah ee reer Laascaanood ee ay midnimada iyo soomaalinimadu biyo dhigtay, markay ku fashilmeen inay xoog ku muquuniyaan shacabkaasi, isla markaasina ay ku shubaan fikirkooda goosashada ah ee ay cuqdada iyo ciilqabku u geeyey, waxay hada uga wareegayaan doc kale….

Kulamo qarsoodi ah oo ay yeesheen qaar ka socda maamul beeleedka SNM iyo kooxaha isu qaawiyey midiidinimada iyo horgalanimada iyo inay hoos fadhiistaan asagooda marba cad quudheedka u tuuraya, waxay istuseen inay magaalada Laascaanood ka hirgeliyaan talafeeshin ku hadlaya afka beesha dirta waqooyi, oo laga daawanayo laascaanood iyo naxawigeeda.
Hadaba qorshahan shacabka masaakiinta ah ee reer Laascaanood yaa horboodaya? Yaa soo qaatay lacagta lagu maalgelinayo?Yaa lacagtaasi lagu wareejiyey qayb ka mid ah oo hawshaasi fulinaya?!!!!Maxayse tahay sababta iyo baahida keentay in waqtigan talafeeshin magaalada loo sameeyo?!!!…Sida aanu xogta ku helnay qorshahan talafeeshinka oo la doonayo in shacabka laascaanood lagu jahwareeriyo waxaa howshan ku jira nin lagu magacaabo Maxamed Axmed Dabagaale oo dhawaan ku biiray maamul beeleedka SNM qarashna lagu soo siiyay sidii mashruucan si dad ban ugu fulin lahaa magaalda laascaanood

Waxaa uu isaguna hawshaasi u wakiishay horgalaha weyn ee u banbaxay iibinta dhiigga shacabka khaatumo oo xilal ku sheegyana ka soo qabtay maamulka Siilaanyo ee sii liicaya, dhawaana la duday kooxdii Xirsi Tooriile watay waana ninka la yidhaahdo (Cabdirisaaq Khaliif Dawdar)….

hawshan oo ay fulinayso mulkiilaha tvga somnews waxaana hawshan la doonaya in lagu soo bandhigo Jaamacada Nugaal oo noqotey meelaha ay adeegasadaan madax ku sheegta maamul beeleedka SNM, waxayna u ballansan yihiin xaflada daahfurkeeda taariiikhdu markay tahay 11/03/2016 bacda Makhribka….

Dhinaca weriyayaasha ka hawlgeli doonaa oo tiradoodu gaadhayso ilaa 20 weriye oo intooda badani aysan aqoon saxaafadeed wadanin, balse maalin dagaalkooda ku raadsada, waxaana loo ballanqaaday midkiiba in la siin doono $400 bishii…. ilaa laba weriye oo ka mid ahi hada waxay ku sugan yihiin magaalada Hargeisa oo hawshan ay ugu maqan yihiin dhawaana magacyadooda ayaanu soo daabici doonaa si ay bulshaweynta Khaatumo u ogaadaan…..

Ugu dambayntii shacabweynaha reer Khaatumo waxaan la socodsiinayaa inay si wada jir ah looga hortago dhibaatadaasi ku soo socota shacabka reer Laascaanood, oo la doonayo in madaxooda la dhallan rogo, waxaana arrintan khatarta badan ay doonayaan nay shacabka u tusaan horumarka gobolkaaga ka qayb qaado….

Xigasho Khaatumo

admin:

This website uses cookies.