X

Yaa ka soo baxay doorashada barlamaanka ee Garoowe

Waxa Garoowe dib loo bilaabey doorashada aqalka hoose ee barlamaanka Somaliya waxa kursi ku soo baxay Saadiq Warfaa oo Prof Axmed Samatar kadiidey in uu waqti ku korodhsado.

Saadiq Warfaa oo si weyn looga yaqaano Fagaarayaasha Doodaha ee gobalada Dalka Mareykanka ayaa helay 26-cod oo horseeday guushiisa,isagoo maray labo wareeg oo doorasho.

Saadiq Warfaa waxaa la rumeysan yahay in uu ka guuleystay goor sii horysay Siyaasiin mudo dheer ku soo jiray baarlamaanka Soomaaliya, waxaana taasi u sahashahay isagoo deegaanka uu ka soo jeedo ee Goldogob ka soo qabtay arrimo muhiim ah.

Mr, Warfaa waa goob ka hadal bartay, sida loo maamulo doodaha Xasaasiga ah, waxaana uu marar badan qaban jiray Barmaamijkiisa sadexdii biloodba mar la qabto ee loo yaqaano Fagaaraha, laakiin Saadiq hadda wuxuu ku biiray Siyaasada Soomaaliya oo ah mid aan daganeyn.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.