Waxa goordhaweyd lagu dhawaaqay natiijada jagada ku xigeenka labaad ee afhayeenka barlamaanka Somaliya. Waxa jagada ku xigeenka koowaad isku soo hadhay musharax Mahad Cabdalle Cawad iyo C/llaahi Sh Baqdaadi oo labaduba ka soo jeeda DIR.
Waxa jagada ku xigeenka labaad isku soo hadhay Faarax Sh C/qaadir iyo C/Welli Muudey oo ka soo wada jeeda beesha shanaad halka Khadiija Maxamed Diiriye iyadu tanaasushay.
Muudey ayaa tartan adag la galay musharaxa Faarax Sh C/Qaadir, waxaana ugu danbeyn ku guuleystay inuu helo codadkii ugu badnaa.
Tirinta codadka ayaa soo dhamaatay waxaana uu C/Wali Muudey helay codad ka badan 165 halka Faarax C/Qaadir uu isna helay codad gaaraya 94 cod.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS