Waxa maanta doorasho ka dhacday Muqdisho lagu doortey lix xildhibaan oo ka soo jeeda beesha ISAAQ ee gobolada Woqooyi ee dalka. Doorashada oo muddo dib u dhacday ayaa manta la qabtey.
Xubnaha la doortay waxaa kamid ah wariye Muno Cumar oo ka shaqeyneysay Tv-ga qaranka Soomaaliya, horeyna ugu soo shaqeysay Horn Afrika.
Xubnaha harsan ee shanta ah ayaa la filayaa in la doorto beri oo isniin ah.
1- Cabdi Xaashi
2- Muxyadiin Sh Ali
3- Mustaf Maxame Qodax
4- Munno Cumar Xassan
5- Cabdikariim Maxamed
6- Xasan Cabdirisaaq Axmed
Warbixintii C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS