Kulan ay maanta ku yeesheen xildhibaanada barlamaanka Somaliya ku yeesheen Muqdisho ayaa la magacaabay guddi doorasho oo qabata gudoonka barlamaanka ee la filayo bishan.
Guddiga xildhibaanada baarlamaanka ee la isku raacay oo ka kooban 15 xubnood ayaa waxaa lagu soo xulay lagu soo xulay nidaamka 4.5 oo ay ku dhisan tahay dowladda Soomaaliya.
Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee baarlamaanka Soomaaliya Cismaan Cilmi Boqore, ayaa shaaciyay in guddigaasi laga sugayo inay ka shaqeeyaan doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.
Dhinaca kale xildhibaanada baarlamaanka hortooda waxaa lagu dhaariyay seddex xildhibaan oo kamid noqonaya xildhibaanada baarlamaanka. Xildhibaanada maanta la dhaariyay ka maqnaa dhaartii Tallaadadii lasoo dhaafay ka dhacday magaalada Muqdisho oo lagu dhaariyay xildhibaanada baarlamaanka.
Guddiga cusub ee ka kooban 15 xubnood ayaa looga fadhiyaa inay shaaciyaan waqtiga doorashada guddoonka baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.
Hoos ka akhri magacyada
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS