Waxa manta dib loo bilaabay doorashada Xubnaha Aqalka ee Woqooyi Somaliya ama Somaliland waxana la doortey ilaa dhowr xildhibaan oo ka mid noqonaya barlamaanka.
Xubnaha maanta la doortay waxay kala yihiin Cismaaciil C/raxmaan Sheikh Bashiir oo ku soo baxay 33-cod, Faadumo Cismaaciil Xuseen -47-cod, Cusmaan Cilmi Boqore wuxuu helay 25-cod halka Suuriya Diiriye Carab iyadana ay ka mid noqotay Xildhibaanada Somaliland ku matelaya Dowladda cusub ee soo socota.
Sidoo kale waxaa Kursiga Beesha Sacad Yoonis waxaa ku guuleysatay Faadumo Ismaaciil Xuseen oo heshay 47 cod.
Suuri Diiriye Carab ayaa mar kale difaacatay kursiga ay ku fadhisay ee Beesha Habar Jeclo/ Maxamed Abokor, waxaa ay heshay 37 cod.
Doorashadii ugu yaabka badneyd ee Kursiga Beesha Ciise/Walaaldoon ayaa waxaa ku tartamayay labo walaalo oo kala ahaa C/raxmaan Axmed Suge iyo Maxamed Axmed Suge.
C/raxmaan Axmed Suge ayaa ku guuleystay 24 cod, halka Musharaxa kale ee walaalkiis Maxamed Axmed Suge uu helay 4 cod, waxaa doorashada kursiga xumaaday illaa 18 cod, waa cododkii ugu badnaa ee hal kursi xumaada.
Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee Gobolada Waqooyi ayaa maraya heer gabo gabo waxaana illaa iyo hada la doortay 25 xildhibaan, waxaana ka harsan 21 xildhibaan
Doorashada oo si marar badan dib u dhacday ayaa xamaasad lahayd ayaa ku soo idlaatay jawi degan,waxaana doorashada goob joog ahaa Guddoomiyaha Guddiga doorashada dadban ee heer federaal Mr Cumar Dhagey.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS