X

Yaa u dambeeyay oo Muuse Biixi jeelka u taxaabay gobolka Awdal

Waxa magaalada Boorama ee gobolka saaka ku balamay taageerayaasha xisbiga Wadani inay isugu yimaadaan xaruntooda, waxase sas Ka qaaday Muuse Biixi oo shalay dad badan jeelka Ku gurey.


Waxa xalay Muuse Biixi jeelka u taxaabay Marwo Xaawo Rooble oo ah gudoomiyaha garabka haweenka ee xisbiga Wadani oo Ka hadashay xaqqa ay u leedahay isku imaadka taageeereyaashiisa.

Muuse Biixi oo hore u fashilmey laguna haysto barakicinta dadkiisa deganaa Hargeysa iyo Burco xilligii SNM ayaa oran jirey xoriyad ma haysano, waxase la ogaadey laba wejiile-nimadiisa.


Waxa kale oo la sheegayaa in tirada la xidhey ilaa saakadii hore ay gaarayso ilaa 5 oo uu Ku jiro gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga Wadani C/rashiid Cabdi Jaamac.

Ururada u dooda xuquuqda ayaa dhowr jeer Ka qayliyay Ku tumashada xoriyada maamulkan loo dhiibey Muuse Biixi.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.