X

Yaa u sharaxan doorashada madaxweyne ee Jabuuti bisha dambe

Doorashadii Madaxtinnimada  wadanka Jamhuuriyadda Jabuuti ee Jabuuti ayaa la soo weriyey in ay illaa haatan ku dhawaaqeen musharraxnimada kursiga madaxweynaha ee dalkaasi Lix Musharrax oo uu Madaxweyne Geelleha hadda xilka hayaa kujiro, waxaana  dhawaan la soo gabagabeeyay gudbinta codsiyada musharixiinta.

Doorashadan ayaa ilaa haatan waxaa codsiyadooda u gudbiyay guddiga doorashooyinka Jabuuti lix musharax oo uu ka mid yahay madaxweynaha haatan xilka haya Ismaaciil Cumar Geele.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in hay’adda dastuurka ee Jabuuti ay rasmiyan ugu dhawaaqdo tirada kama danabaysta ah ee musharaxiinta u tartamaya madaxweynaimada Jabuuti.

Haddaba musharixiintan iyo xaalka guud ee siyaasadda Jabuuti, ayuu weriyaha BBC-da Cabdiraxmaan Bidhaan waxa uu ka wareystay Caarif Cabdi Khayre oo ah aqoon yahan reer Jabuuti ah oo ka faallooda siyaasada Jabuuti degganna dalka Ingiriiska.

Waxaa uuna ugu horreyn weydiiyay halka ay mareyso hawsha u diyaargarawga doorashada. “Doorashadii Jamhuuriyadda Jabbuuti ka dhacaysay ee ku beegan bisha soo socota ee April 8deeda, waxaa ay wararku sheegayaan in  wasiirka arrimaha guduhu uu liiska musharraxiintaasi u gudbin doono guddida dastuuriga ah ee doorashada maamulaya, kaasi ayaana ugu dembeynta sheegi doona inta u ordi [tartanka] bisha sideedeeda doorashada dhici doonta” sidaasi ayuu yidhi Aqoonyahan Caarif.

Waxaanu intaa ku daray  isaga oo faahfaahiyey lixda musharrax ee tartamaya “lixda musharrax waxaa ugu horreeye madaxwyenaha hadda talada haya Ismaaciil Cumar Geelle oo illaa 1999-kii talada soo hayay, immikana waa markii afraad ee uu tartamo.

Waxaa ku xiga Cumar Cilmi Kheyre oo ah halgamaa wadanka Jabuuti taariikh ku leh, raggii calanka u soo halgamay ahaa, sidoo kale xildhibaan dalka ka soo noqday, immikana xisbi hoggaamiye ka ah.

Waxa kale oo saddexaad ah Maxamed Daa’uud Shixin oo ahaa agaasimihii hore ee wasaaradda maalliyada Jabbuuti oo ah nin weyn oo xagga maamulka dawladda khibrad weyn ku leh.

Waxaa ka afraad ah Xasan Idiris Axmed oo ah nin dublamaasi ah oo safiirna soo ahaan jiray.  Maxamed Muuse Tuurtuur ayaa ah musharraxa Shanaad  oo isagu markii u horeysay musharrax madaxweyne noqday 1993-kii, maantana isa soo sharraxaya, waxaana uu ahaan jiray lataliyihii xagga ganacsiga ee madaxweynihii ugu horreeyey ee Jabuuti Xasan Guuleed Abtidoon.

Ugu dembeyn waxaa isaguna isa soo sharraxay Jaamac Cabdiraxmaan Jaamac (Cadh-dhoole) oo isaguna ah nin macruuf ah oo aad Jabuuti looga yaqaanno.  Waxaana dhalay Halgamaagii weynaa ee Cabdiraxmaan Jaamac Cadh-dhoole oo ahaa halyeyadii naftooda u waayay xornimada Jabuuti inankiisii weeye” sidaaasi ayuu yidhi Aqoonyahan Caarif.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.