X

Yaa ugu wacan burburka guddiga doorashada heer dawlad dhexe

Waxa burburey guddigii doorashada heer dawlad dhexe kadib markii si sharci daro ay xalay u faafiyeen liisto laga reebay xildhibaano badan oo si xalaala loo doortey oo iyaga ka guddi ahaan ayna shaqo ku lahayn.


Burburka ku yimi guddiga doorashada ayaa dusha looga tuuray kooxda Xalane oo adeegsanaysa Rooble Baahanae ayuu yiri Cali Calasow. Hadda markay si kale awoodi waayeen waxay is leeyihiin xildhibaanadii xalaasha lagu doortey ka reeba liistada ayuu raaciyay Cali Calasow.


Keliya waxay lumiyeen dhexdhexaadnimada doorashada iyo axdigii lagu aasaasay, maanta laga bilaabana ma meteli karaan qaranka, ee ha matalaan kooxda Xalane ayuu qabaa Xuseen Warsame.



Muuse Geelle oo kooxda Xalane wadato wuxuu is leeyahay xildhibaano si xora loo doortey xanib oo dhinacaa adiga iyo Rooble Baahane guul ka raadiya laakiin waa qaldan yahay waana jaahilnimo, haddana waxa la sugaa in la doorto guddi xalaala ayuu raaciyay Xuseen Warsame.

Ninkan Bultlaan oo boqol cabasho ka jirtey ayaanu waxba ka qaban waabase maamulo kale.

C/llaahi Warsame

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.