Madaxweynaha Somaliya oo KIiniya ku sugan ayaa maqaam aad u hooseeya lagu soo dhaweeyay. Xasan Sheekh ayaa Kiiniya u tagey booqasho rasmi ah ee aan ahayn mid shaqsi. Garoonka Jomo Kenyatta waxaa uga hor yimid oo ku soo dhoweeyay guddoomiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kiiniya Aadan Barre Ducaale, mana jirin cid ka tirsan wasiirada Kiiniya, madaxweyne ku xigeen iyo madaxweyne soo dhoweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Arrintan ayaa u muuqata bah-dilaad siyaasadeed oo dowladda Kenya ay ula kac ugu sameysay madaxweynaha Soomaaliya, mana aha markii ugu horeysay ee tan oo kale ku dhacdo madaxda Soomaalida.
Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho rasmi ah ku yimid dalka Kenya, isla markaana madaxweynaha Kenya uu la kulmi doono maalinta beri ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta booqday xerada Qaxootiga Dadaab ee dalka Kenya, isagoo noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee isagoo xilka haya booqda qaxootiga Soomaalida.
Warbixintii C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS