Yaman ayaa shuruud ku xidhey sida loo aasi lahaa dadkii uu xasuuqey Sucuudigu. Dalka Yaman ayaa laba shuruudood ku xidheen aasida maydadka dhalinyaradii Somalida ahayd ee u badnayd Reer Somaliland ee bishii ina dhaaftay Sucuudigu xasuuqey.
Carabta ayaa gebi ahaanba ka aamusey xasuuqan ayadoo ayna jirin dawlad Somaliyeed oo daba orodey iyo macluumaad kale oo laga helay halkaay wax marayaan.
Maydadka dhalinyaradan oo u badnaa dhalinyaro reer Somaliland ah ayaa waxay ku jiraan Talaagadaha maydadka,waxaana masuuliyiintan Yamen ay shuruudaha u direen dawlada Somaliya.
In ay dawlada Fadaraalka Somaliya ay ka helaan waraaq ogolaansho ah oo sheegaysa in si rasmi ah loo aaso maydadka dhalinyaradaasi oo u badnaa reer Somaliland kuwaas oo ilaa hadda ku jira qaboojiyayaasha cusbitaalada dalka Yamen
Iyo in wafti ka socda dawlada Somaliya ay goob joog ka ahaadaan aasida maydadka dadkaasi Somalida ah oo u badan dhalinyaro reer Somaliland.
Ilaa hadda ma jirto cid ka hadashay halka ay wax marayaan.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS