X

Yay dan ugu jirtaa banaanbaxa dawladu ogolaatey in koox ka dhigato Muqdisho

Xukuumada uu hogaamiyo Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegtay inay qayb ka tahay banaanbax aan la garanayn cida imaan doonta iyo cida lagu dibiro dhacsan doono oo kooxda ku xiran Kiiniya iyo Imaaraadka ay dhigayaan.


”Ma ogi waxa banaanbaxa ku saabsan yahay waxa keliya ee aan ogahay waa in ilaa hadda ajaanibtu ogoleyn in dalkan doorasho ka dhacdo marka yaa loo sheegayaa wax cusub ayuu yiri Cali Calasow oo Muqdisho ku sugan.

”Ujeedada banaanbaxan ayaa ah in kooxda sheegata beesha caalamka ay sawiro ka qaataan dibiro dhacsiga kadibna yiraahaan meesha nabadi kama jirto ee shirka doorashada haloo wareejo dibedda ama halagu qabto XALANE ayuu raaciyay Cali Calasow.


”Ilaa hadda ma ogi waxa loo banaanbaxayo ayay tiri Luul Xayle dana nooguma jirto hadaan nahay reer Muqdisho, waxaan is weydiinayaa yaa waaye dadka caqliga laga xadaayo ee aan magaalada joogin ee aan ogeyn waxa dalka ka socda.

”Waxa jira dawlad maalin kasta ku qaylinaysa war aan galno doorashada shan shirna wey qabatey cid u timidna maleh xataa kii u dambeeyay ee Baydhabo waa diidan yihiin inay saxiixaan markaa yaa waaye cida wax loo sheegayo ay raacisay Luul Xayle.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.