X

Yay u badnaayeen dadkii argagixisadu ku xasuuqdey Soobe

Xasuuqii argagixisadu ka gaysatey Soobe ayaa ahaa kii ugu xumaa ee lagula kaco dad Muslimiina. Hadaba Qaraxan ayaa galaaftay nolosha dad ku dhow 400 oo qof.

Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxa ay wadaan tira koob ku aadan inta qof ee degma walba uu ka saameeyay Qaraxaasi, iyada oo howshaasi ay ku dhowdahay gaba gabo.



Guddoomiyaha degmada degmada Kaxda ee gobolka Banaadir Maxamed Ismaaciil C/laahi oo u waramay saxaafada ayaa waxa uu sheegay in Qaraxaasi dadkii ku dhintay ay ka mid ahaayeen 39 qof oo degaan ahaan ka soo jeeday degmada Kaxda.

Warka naxdinleh



Dadkii goobtaas lagu xasuuqey ayaa dhamaantood ahaa dad masaakiina oo ay ka mid yihiin dadkii cadayga iibinaya, caruurta kabaha baalasheya, hooyooyinka macmacaanka ku guda iyo kuwa qaadka ka ganacsada iyo xamaalatada ku sii nool dadka kale.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 


admin:

This website uses cookies.