X

Yay yihiin xubnaha ka socda Qaramada midoobey ee tagey Muqdisho: SAWIRO

Xubnaha Golaha Ammaanka Qaramada Midoobe, ayaa Khamiistii booqasho taariikhi ah ku yimid Magaalada Muqdisho, si ay ugu kuurgalaan suurta-galnimada in sanadkan doorashooyinka guud ka qabsoomi karaan dalka iyo in kale.

Xubnahan, ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya, Axmed Cali Kediye iyo Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. Michael Keating, iyadoonka loo galbiyay Xarunta UNSOM ku leedahay Xalane.

Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Somaliya, Maxamed Cumar Carte, ayaa kulan horudhac ahaa Xubnaha Golaha Ammaanka kula yeeshay Xalane, waxaana looga hadlay horumarka ka jira dalka.

Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka waxaa kulankan ku wehlinaayay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Somaliya iyo xubno laga soo xulay ururada bulshada rayidka ee ka dhisan Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa wejiga labaad ee kulankaasi la qaatay Xubnaha Golaha Ammaanka, waxayna si dhow uga wada hadleen doorashooyinka guud ee lagu wado in bisha August ka qabsoomaan Somaliya.

Madaxweynaha oo ka hor hadlaayay Golaha Ammaanka, ayaa yiri “Waxaan sameyney horumar la taaban karo. Waxaa guusha horumarka aanu gaarney uu mira dhal noqon doonaa marka aan la imaano tanaasul, isla markaana aan meel marino doorashooyinka taariikhiga ah ee loo ballansan yahay. Waa inaan ku dadaalnaa intaan kari karno in hannaanka siyaasadda dalka ay cid walba ay iska dhex aragto, lagana dhigo barnaamij loo wada dhan yahay.”

Madaxweynaha, ayaa yiri “Waxaan khasab ah in Soomaalida ay ka xorroobaan fikirka ku saleysan isku tanaasul la’aanta, kaas oo dhalinaya is aamin la’aan dhexdeena ah. Waa inaan ka shaqeynaa sidii aan mashaakilaadkeena xal caadil ah ugu heli lahayn.”

Danjiraha Britain ee Golaha Ammaanka, Matthew Rycroft, ayaa wax muhiim ah ku tilmaamay in doorashooyinka lagu wado inay ka dhacaan Somaliya, ay qabsoomaan xilligii loogu talla-galay.

Matthew Rycroft, ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ugu baaqay inay ansaxiyaan hannaanka doorashooyinka, ee ay isku raaceen Madaxda Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada.

Xubnaha Golaha Ammaanka Qaramada Midoobe, ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii ka dhoofay Garoonka Aadan Cadde, waxayna dib ugu laabteen Magaalada Nairobi, oo marki horeba ay ka yimaadeen.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.