Yuhuuda ayaa sheegtay inay daadgureynayso Yuhuud ku xeraysan xeryo ku yaala Addis ababa iyo gobolka Axmaarada gaar ahaan magaalada Gondar. Yuhuuda hartey ayaa la sheegay ehelada dad hore loo daadgureeyay iyo kuwa loo yaqaan Falaashaha.
Falaashaha ayaa sheegtay inay Yuhuud asala yihiin laakiin dawladihii Kiristanka ahaa ku qasbeen inay diinta rogtaan. Yuhuuda ayaa dad badan ka daadgureeyay Itoobiya sanadihii sagaashamaadka.
Xilligaas oo Itoobiya ay ka jirtey xasilooni daro. Wasiir dib u dejinta Yuhuuda ayaa sheegay in wejigani yahay kii ugu dambeeyay oo Yuhuuda iman doona sanadka soo socda.
Dadkan la soo wado ayaa lagu beeri doonaa dhulka Falastiinta. ”Waan xiraynaa xeryahaas marka dadkan la soo qaado ayuu yiri wasiirka Yuhuuda
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS