X

Yuhuuda oo sidii caadiga ahayd xidhatey masjid Al-Aqsa

Yuhuuda ayaa sidii caadiga ahayd xidhatey masjid Al-Aqsa.  Jimcadii hore ayaa saddex nin oo hubeysan ku dileen banaanka hore ee Masjidka laba ka tirsan ciidanka Yuhuuda kahor inta aan iyagana lagu duilin barxadda masjidka.

Maalinkasta oo Jimce ah waxaa masjidka u soo cibaado tegi jirey dad ku dhaw 10 000 oo qof oo ka kala imaan jirey meelo ka baxsan magaalada Qudus ee yuhuudu haysato.



Bayaan ka soo baxay Booliska Yuhuuda ayaa lagu sheegay in magaalada qadiimka ah iyo Masjidka Aqsa ay imaan karaan ragga da’doodu ka weyn tahay 50 sano, dumarka ayaa lagu sheegay bayaanka in ay imaan karaan da’ kasta oo ay yihiin.



Horey ayaa amar kan lamid ah Yuhuudu uga soo saartey cidda ku tukan karta Masjidka, mararkaas ayaa da’da loo oggol yahay marna ku sheegeen 35 marna 40.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.