Yurub ayaa ka qayliday soo jeedin ka timi Ingiriiska kuna jeeda soo galootiga ka yimi Yurub. Ingiriiska ayaa soo jeediyay in soogalootiga Yurunb ka yimi ay siin doonaan deganaansho
Waxase durba ka qayliyay arintan aan sharaxneyn midowga Yurub oo Ingiriiska ka codsaday in at talaabadani meelfog gaadheyn ee arinta la sharaxo.
Ingiriiska ayaa soo jeediyay in soogalootiga Yurub ka yimi ay siin doonaan deganaansho u ogolaanaya in ay caydha, dugsiyada iyo caafimaadfka la mid noqdaan dadka Ingiriiska ah.
Waa haddii dadka Ingiriiska ee tirada yar ee ku nool Yurubta kale ayaguna helaan mid la mida ta Ingiriisku siiyay soogalootiga Yurub ka yimi oo lagu qiyaasay 4 milyan.
Waxa talaabada Ingiriiska walaac ka muujiyay soogalootiga jooga Ingiriiska oo ka baqaya in ay cidla ku dhacaan ama dib ugu noqdaan dalalkii ay ka yimaadeen dibna u guuraan.
Rashid Ceelaanyo
ARAABINEWS