Friday, April 26th, 2024
header










Meta







Abiy Axmed maku saxan yahay inuu soo farogeliyo ismaamulka Somalida

Abiy Axmed maku saxan yahay inuu soo farogeliyay ismaamulka Somalida dastuur ahaan ayadoo Itoobiya ku dhisan tahay dastuur qabiil oo la ansixiyay xilligii Tigreegu dalka haystey.

Tigreega ayaa dastuurkan sameeyay ayagoo ka fikiraya in axmaaradu ku tumato xaqooda maadaama ay ahaayeen qabiil ay ka tiro badan yihiin Oromada iyo Axmaarada.



Waxa saaka ka dhacay Jigjiga ayaan ahayn wax dastuur ku dhisan waayo ma Jiro wax isbedel oo lagu sameeyay madaxa maamulka oo keeni karta amar diido ama la faafiyay. Ma cada in dawlada dhexe xaq u leedahay inay bedesho maamulka.

Ilaa hadda waxa ka socda Jigjiga waxay noqon karaan wax ka fog nidaamka jira ee lagu heshiiyay. Lama sheegin in ismaamulkani ku Jiro xukun deg dega.

Warar ayaa sheegaya in madaxii maamulka Cabdi Maxamuud Cumar loo gudbiyay Addis ababa, taas lafteeda ayaa ah dastuur jabin.



Haddii Abiy Axmed sidan ku bilaabo xukunkiisa muxuu uga duwan yahay Tigreegii Sanaawi iyo kii ka dambeeyay ee cadaadinta ku hayay Somalida joogta Somali galbeed ee iyagu kilinka ula baxeen.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa lagu haystey inuu jirdil ku sameeyay Somali badan asagoo cadowgiisa ka dhigtey Somali taas oo ka dhigan inuuna hadda heli Karin cid Somalinimo ku taageerta, haday jiraanba.



Ururada uu sameeyay ayaa waxa ka mida Heego oo iyagu dadka mucaaradka ah ee Somalida ah ka caayi jirey idaacadiisa.

Booliiska loo yaqaan Liyu Booliis ayaa sidey doonaan kuula dhaqmi-jirin inkastoo dadka qaar leeyihiin Somalida sidaas kaliya ayay wax ku maqlaan hadana waxa jirey kaysas ka baxsan Islaamninada oo ay fuliyeen.

Waxa lagu amaanay Cabdi Maxamuud la dagaalanka tuugada argagixisada oo ku soo dhici waayay inay Somalida galbeed cago gashaan.

Isku soo wada duuboo waxa Abiy Axmed arkey oo ka faaiideystay xaaladaha ku gadaamnaa Cabdi Maxamuud Cumar waana ta uu ku jeclaystey inuu ciidankiisa soo geliyo Jigjiga magaaladana Khalkhaliyo.



Hadii sidan loogu tunto dastuurka qabiileysan ee Itoobiya waxay noqonaysaa qoomiyad qoomiyad kale ku tumanaysa xataa haddii madaxii ismaamulka uu ku kacay xadgudubyo aanu fulin Karin haddii uuna ka haysan ogolaansho Itoobiya.

Waxa faaladan qorey Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...