Friday, April 26th, 2024
header










Meta







Buuga xasuuqa argagixisada maxaa loo samayn waayay maxaase loo aarsan waayay

Buuga xasuuqa argagixisada maxaa loo samayn waayay maxaase loo aarsan waayay. Kooxda gaalaynta Muslimiinta ayaa dhiiga dadkeena qubeysa habeen iyo maalin.

Kooxdan ayaa inagu dhexnool inala jooga habeen iyo maalin xogteena og waana cadowga koowaad haddii Somali cadow leedahay. Dhaqamada ay wataan ayaa ah kuwo aan diin shaqo ku lahayn.

Haddii dad la iska gaaleeyo oo hadana dhiigooda la banaysto aduunka kamay jirteen diin ISLAAM la yiraa waxana lagu bilaabi lahaa kuwii ugu horeeyay ee qaadan waayay diinta ISLAAMKA.

Laakiin alxamdulilaah diinteenu waa mid ay ugu horeyso nabada iyo ka badbaadinta naarta qofka bani aadamka ah qoyskuu rabo haka dhashee sida masiixi, sanam caabud, Yuhuudi iyo dab caabudba ayadoo loogu sheegayo si nasteexo ah.



Dawlada Somaliya ee diciifka ah ee burburkii dalka ka soo kabanaysa ayna caawiyaan dalalka jaarka ah waxaad moodaa inay ka maqan tahay hal shay oo ay samayn karaan oo ah tirakoobka dadka kooxda gaalayntu disho iyo ku qorida buuga xasuuqa.

Mase garanweyday inay bal halmar u aargudo dadkan ay masuulka ka tahay ayadoo cidkasta ha kaashatee ugu gelaysa hoga kooxdan gaalaynta Muslimiinta ama xataa banaanka soo dhigeysa magacdooda iyo sawiradooda inkastoo haweenka dumarka xirtaan si dadku u ogaadaan.



Waxaan qabaa inay tahay waxa ugu fudud e ay samayn karto. WAxa hubaala in laga seexday xoreynta dhulka welli ku jira gacanta kooxdan gaalaynta Muslimiinta.

Waxa kale oo iyana wax laga xumaada ah magaca loo bixiyay argagixisadan oo dawladu ku sheegaan magic diciifka ah ee nabad-diid, halka kooxdu iyaga u taqaan kuwo diinta ka baxay oo iyagu ka saareen. Magacooda saxda ah waa kooxda gaalaynta Muslimiinta.



Ugu dambeyn dhiiga dadkeena ayaa sidaa u quban doona lamana joojin karo qof kula jooga ku og xataa wax ka duubaya sida dadka u xasuuqeen. Dadka ay adeegsadaan ayaa ah kuwo aad u farabadan oo intooda badan u gala siyaabo kala duwan laakiin u badan dad diintoodu diciif tahay ama maskaxiyan aan dhameyn.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...