Tuesday, May 22nd, 2018
header

Guul ma ku dhamaadey safarkii madaxweynaha ee gobolada Puntland iyo Galmudug

Guul ma ku dhamaadey safarkii madaxweynaha ee gobolada Puntland iyo Galmudug. Socdaalkan oo qaatey 17 cisho ayaa laysku raacay inuu ka duwanaa socdaaladii ay samayn jireen kuwii ka horeeyay.



Labada maamul ee Puntland iyo Galmudug ayaa si aad ah uga diyaar garoobay soo dhaweynta Madaxweynaha waxaana maamul walba uu ku xisaabtamayay inuu noqdo maamulka qaato kaalinta soo dhaweynta.

Wasiiro, xildhibaano, ka kala tirsan dawladda dhexe oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug iyo kuwa maamulada ayaa ka qeyb qaadanayay soo dhaweynta Madaxweynaha.



Sidoo kale dadweyne aad u fara badan oo Puntland iyo Galmdudug ka soo kala jeeda ayaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyay dhammaan degaanada uu booqashada ku tagay.

Shacabka Farmaajo soo dhaweynayay inta badan waxa ay wateen sawirka Calanka Soomaaliya iyo sawirka Madaxweynaha

Madaxweynaha ayaa inta uu booqashadiisa ku guda jiray waxaa qado sharaf iyo casho sharaf loogu sameynayay beeraha iyo meelaha jawigooda degan yahay.

 Iyada labada maamul ay gudoonsiiyeen Madaxweynaha abaalmarino kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Faras, Geel lagu xardhay Calanka Soomaaliya iyo waliba dharka dhaqanka Soomaaliyeed.



Madaxweynaha ayaa dhagax dhigey mashaariic farabadan labada maamulba taas oo dhiirigelin u ah lana geli doono sidii wax loogu dari lahaa ama loo dhamaystiri lahaa laakiin inta badan ay tahay in dadku wax dhisan karaan.

Sidoo kale waxa madaxweynuhu ku guuleystay xalinta muranada qabaailada degan Galmudug.

Guud ahaan socdaalkii madaxweynaha ayaa wax badan ka bedelay sida dadku u arkaan dalkooda iyo in dhul aad u badan nabad yahay kana caagan yahay kooxda gaalaynta Muslimiinta ee Shabaab.



Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gelinkii dambe dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho wuxuuna safarkiisa la xiriiray Nabadda iyo Dib u heshiisiinta.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Hal goob oo dhowr mar argagixisadu ku xasuuqdey dad shacaba

May, 21, 2018
Hal goob oo ku taal Muqdisho ayaa dhowr ...

Qaybtii 3 taxanaha Kala Haab oo meel xiise leh maraya

May, 21, 2018
Taxanaha Kala Haab ayaa meel xiise leh maraya. ...

Buundadii Buulaburde oo biyuhu webiga Shabeele dul socdaan: SAWIRO

May, 21, 2018
Buundadii Webiga shabeele ee Buulaburde ayaa biyuhu dul ...

Somaliya iyo qaramada midoobey oo dalbadey lacag gaaraysa 80 milyan

May, 21, 2018
Somaliya iyo qaramada midoobey ayaa dalbadey lacag gaaraysa ...

Khaatumo oo ku biirtey Butland iyo shir jaraaid ay kuy qabteen Garoowe

May, 21, 2018
Khaatumo ayaa ku biirtey Butland iyo shir jaraaid ...

Dhacdooyinka

Cabdiwelli Gaas oo wuxuush iyo dugaag ku tilmaamey maamulka Muuse Biixi

May, 19, 2018
Cabdiwelli Gaas ayaa wuxuush ku tilmaamey maamulka Muuse ...

I accepted Islam after Trump’s Travel Ban

May, 17, 2018
My name is Sara, and I’m newly reverted. ...

Ceerigaabo oo dadku ka kacay markii Jeegaantu wada weerartey Ceel-Afweyn

May, 14, 2018
Ceerigaabo ayaa dadku ka kacay markii Jeegaantu wada ...

Baxsaneey ARAABAAY waa hees mardhow daawaha laga soo rogey

April, 25, 2018
Baxsaneey ARAABAAY waa hees mardhow daawaha laga soo ...

Bahda ARAABINEWS oo hambalyo u diraya Khaalisa Cabdi Aadan iyo Maxamed Cali Cusmaan

April, 23, 2018
Bahda ARAABINEWS ayaa hambalyo u diraya Khaalisa Cabdi ...

Ardeyda dugsiga sare ee ARAABI oo ka qaybgalay balaadhinta dugsigooda: SAWIRO

April, 23, 2018
Ardeyda dugsiga sare ee ARAABI ayaa ka qaybgalay ...

Danab ama biriq lamaane aqal galay ku dishey Caabud-waaq

April, 23, 2018
Danab ama biriq lamaane aqal galay ku dishey ...