Wednesday, May 8th, 2024
header










Meta







Maxay ka dhigan tahay soo noqoshada Yusur Abraar

Yusur Abraar ayaa la sheegayaa inay kamid ah noqon doonto xubnaha wasiirada oo uu soo magacaabi doono Ra’isulwasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Haddaba soo noqoshada Yusur ayaa muujineyso hal arrin ku saabsan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo qaabka ay hadda ku socoto dowladiisa cusub.

Waxaan warbixintaan uga hadli doonaa waxyaabaha keenay inay Yusur kaga tanaasusho shaqadii Bankiga dhexe iyo waxa uu hadda ka dhigan yahay soo noqoshadeeda Muqdisho.



Sababihii keenay Inay Yusur ka tagto Bankiga dhexe

Waxaa dhacdey in Yusur rag madaxtooyda dowlada federaalka ah ay ugu hanjabeen in la dili doono hadii aysan lacagta oo dhan ku shubin account loo qoray ee first Rand bank orn Nedbank accounts.

Waxaa kaloo jirtey in waqtigii uu joogay Gudoomiyahii iska Casiley Bangiga Dhaxe Cabdisalan Hadliye lagula heshiiyey in lacagta uu Muuse ganjab ku yeesho 10% , Shulman, Rogers, Gandal, Pordy & Ecker 30% , shaqsiyaad kale 30% percent . Dowlada soomaliyeed wax ka yar 4%

Hadaba iyadoo xaalada ay halkaas mareyso ayaa Waxaa Yusur Abraar ay xiriir hoose la sameeysay saaxiibadeed ka yimid waqooyiga somaliya oo ay ugu horeeyso Fowsiya Yusuf Xaaji Aadan oo aheyd Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya waxaana dhacdey in foosiya ay ku amartay in Yusur ay howsha fuliso. Maadaama ay magacaabideeda wax ku lahayd.

laakiin Rag Mucaarad ahaa kana soo horjeeday siyaasada Xasan Sh. iyo Damu Jadiid ayaa waxeey Yusur Abraar kula taliyeen inaanay ogolaan dhaca xoolaha ummada Soomaaliyeed waxaase Gudoomiye Yusur aysan marna ka fikirin in gabadha xamar lagu dili karo waqti kasta. Waxaa ay markaa la xiiirtay safaardaha Mareykanka ee Nairobi iyo Dubai kadib markii ay u dhaarteen willasha aan wax u taliya la aqoon ee xasan sh Maxamuud uga shaqeeya Madaxtoyadiisa.

Waxaa lagu waaniyey inaay sida ugu dhaqsaha badan xamar uga dhoofto Saacado ka dibna dalka waa ay ka carartey Yusur iyadoo Banaanka soo dhigtey Fadeexada ay la kulantey si gaar ahna ugu wajahneyd Madaxweynaha . waxaaana dhacdey in lagu qalqaalinayey in dib loogu caro celiyo xamar si looga fushado howlaha dhaca iyo boobka madaxtooyda laga abaabulay, waana iska diiday.

Maxay ka dhigan tahay soo noqoshadeeda:

Dadka falanqeeyo siyaasadda ayaa aaminsan in soo noqshada Yusur Abraar ay ka dhigan tahay in dowladda uu hoggaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laga dhadhasan karo inaysan diyaar u aheyn musuq maasuq waxayna midaas kamid aheyd ballan-qaadyadii uu sameeyey Farmaajo intii uu ku jiray loolankii doorashada.

Inta hadda muuqato ayaa tilmaameyso in dowladda Farmaajo ay ilaa hadda iska ilaalineyso waxyaabo lug ku yeelan karo musuq maasuq waxaana la filayaa in haddii Yusur lagu soo daro dowladda weliba loo dhiibo xagga amaanada Maaliyadda ay keeni karto inaysan dowladda ka dhex dhicin wax musuq maasuq ah.

Soo noqoshada Abraar waa astaan muujineyso inuu Farmaajo yahay madaxweyne ka dhabeyn doono ballanqaadyadii uu sameeyey ee ahaa inuu ka shaqeyn doono horumarka dalka sidoo kalana uu dowladiisa kala xisaabtami doono musuq maasuqa.

Waxaa laga war sugayaa sida ay noqon doonto dowladda Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Xasan Cal Kheyre markii ay xoogaa shaqeeyaan waxaana la ogaan doonaa haddii ay iska ilaaliyaan qaladaadkii keenay inay fashilmaan dowladihii hore.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...