Friday, April 26th, 2024
header










Meta







Muuse Biixi Dhimashadeeduna Waa Kala Bax’ood’e & Baa’bood’e (Mukhtar Cali Aadan)

Kum buloow kubloow ,
Kumbu-balaalo cadoow ,
Kun-jeer waano ku siiyey,
Kaftan kugu mariimay ,
Kugu kii-shay maahmaahyo,
Waxba kuu kordhi-waaye,
Sheekh karaamo leh loo tag!
kuhaan wayn laga faali,
Makaroone laguu xidh ,
Kabrikoonkaad dhalatiyo
Shaash’o kaa kari-waayey,
Shaan-badaad Wadaataana,
Shacabkii ku gumaaday’e
Geenyo shaaximan weeyi,
Askarigoow mala’gaagal’e
Xuquuqdu waa Abwaan Af gudhiye Xigmadiisii (IHN)



I. Haddii Qaranka Somaliland la waayo ,
Qayb haraysaa ma jirto Wixii “Somaliland-ta la odhan jiray”
Haddi qaranka Soomaaliland-ta la waayo
qolla haraysa ma jirto. Haddii qaranka Somalilaaneey la waayo qof
Soomaliland ah oo harayaa ma jiro…
Idiinkuba ma aragtaan, umadda reer Soomalilaaneey , lug sii socota
oo la leeyahay “jirkii dhintay ee la aasay bay ka
nooshahay”!!!?? … amase laan wayn oo cagaar ah
oo la leeyahay “geedkii la gooyey ee la gubay bay
ka nooshahay, ka roontahay, ka madaxbannaan
tahay”!?!?…



Waa wax aan maangal ahayn, aan la garawsan
karin, dad intii waalan iyo wax sabi ah uun loo
sawiri karo…
2. a) Qabaailku waa laamaha geedka qaranka.
Innbaa laga dhaadhiciyey, cadawgu ka dhaadhacsiiyey :
In laanta qabiilkoodu ay sii jiri doonto waa Aqliga Muse Biixi ee jeegaanta’e haddii
geedka laftiisaba la jaro, oo xididka loo saaro, oo
ay ka maarmi doonto, kana raysan doonto!!…
b) Gobolada, ama Qabiilada aan jeegaanta ahayni wuxuu ka mid yahay, ku yaallaa
qaybna ka yahay laf-dhabarta Qaranka Somaliland .
jidhka, oogada Qaranka Soomaalilaaneey
Qarankuna waa sidii qof xubno iyo waxo leh,
caqli iyo aqoon leh, xusuus iyo xikmad leh,
taariikh iyo mustaqbal leh, himilo iyo dareen, naf
iyo iraado intaba leh.



Qaar baa u haysta haddii “qof-qarameed”-gow-du
qudhu ka baxdo, oo uu dhinto, in “gacanta”
amase “lugta” ay sheeganayaan ay u harayso oo
ay haysanayaan; waa Jeeganta Dhama’sane garaaddarradaas buurta leegina
ay barbar marto.
Hase yeeshe, haddaan isha oo kale tusale u soo
qaadanno: Ishu wax ma arkooto, waxna iskama
aragto gudaheeda: waxay il u tahay, il ka tahay,
il ku tahay, waxna ku aragtaa jirka nool ee ay ku
taallo, ka mid tahay, hawl gaar ah oo loo
abuurayna ay u hayso, hawshaas awgeedna ayey
ku nooshahay.
Hadday isa soo tuurto, oo ay bannaanka isa soo
dhigto nolol, qurux iyo nuur midna yeelan mayso.
Bakhti iyo baaba’ uunbaa u dambeeya…
3) Isu-tagga xubnaha iyo wada-shaqayntooda bay
ku jiraan nolosha guud iyo wanaagga jirku. Sido
kalena marba marka, guud ahaan, jirku uu sii
fiicnaado bay gidigood iyo gaar ahaan mid walba
ay sii doogsadaan.
Wada shaqaynta xubin walbi ay la shaqaynayso
xubnaha kale oo dhan, kuna midaysan yihiin
kulligood ujeedada guud ee ah in jirka, gebi
ahaantiis (tin & cirib), uu ku noolaado
caafimaad, nabadgelyo iyo barwaaqo lagu waaro,
ayuu ku jiraa wanaagga jirka ee kama danbaynta
ah iyo ka xubnaha oo dhan, iyo mid kasta oo ka
mid ah gaar ahaanteed.
Hadduu wanaagsan yahay way la qabaan. Haddii
xubin wax gaaraan wuu ka xanuunsanayaa oo
xubnaha kale oo dhan baa daafacaya.
Askariga Dhimashadiisuna Waa Kala-Baxooda iyo
Baaba’ooda’e…Sadaassahayduna waa sidaa.?!?!?!
Sidaas awgeed, kuwa dadka ugu baaqaya in la
kala diro qaybaha iyo waaxyaha dawladda iyo
qaranka Soomaaliland hadayba Daan,daan u kala rarayaan’e .
waa saddex nooc midkood:



a) Maskax-digaagle caami ah oo waxa socda
aan waxba ka ogayn, wuxuu yaqannana uu ku
kooban yahay magac qabiil oo kiisa ah magacii ba’e…
b) Mujrim kas iyo maan dadka u khaldaya oo
nolosha iyo sharafta Ummadda ku dhaafsanaya dano
yar yar oo iyaga gaar u ah, tusaale waxa inoogu filan oo ay iibiyeen Aqaladii shacabku ku indho-kulanayeen ( madax-tooyada ,Baarlamaanka & Guurtida’e)
c) Dameer calooshii u shaqayste ah oo
nolol-malmeed ugu adeega cadawga, oo u rarto sidii dalka ay ku iibiyeen saldhigyo , Shantii maal aduunyo ee dalku lahaa!!! Waa Muuse biixi , Ina-xaashi’e iyo kuwa kale oo badan.Kuwaas oo mudan ciqaab kama-danbayn ah, maxaa wacay waa dhagar-qabayaal qaran!…

Murti
1. Waajibka ugu wayn ee manta saran qof kasta
oo Jeegan aan ahayn meel uu jooga ba, waa
badbaadada Jamhuuriyadda somaliland,
isagoon waxba ka hagran awood wuxuu Alla ku
mannaystey!…
2. Taasuna waa inuu bilaabo HADDA haddusan
horey ugu jirin.
3. Waddaniyiintu, meelay joogaan ba aduunka



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...