Puntland oo walaac ka muujisay ajaanibta soo galaya oo xad dhaafay
Puntland ayaa war ka soo saartey tirada soo galootiga ee korodhey. Madaxweyne kuxigeenka maamul Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Camey oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay korortay tirada ajaaniibta soo galeysa. deegaanada Puntland.
Waxa uu sheegay in Hal sano gudaheeda ay degaanada Puntland yimaadeen tiro ajaaniib ah oo aad u fara badan taasina ay keeneyso in ay ka bataan dadkii u dhashay dhulkaasi hadii aan xad loo sameynin soo galootiga ajaanibta ah.
“Wadan la iska galo oo sida la doona la iska yeelo ma jiro Somaliya ayaa ka jirta, hada waxaan ka gobol ahaan qasab nagu noqotay inaan kontoroolno dadka soo galootiga ah, wixii hore walaaltinimo ayay aheyd, waxaa muhiim ah in lala socdo dadka soo galaya dalka”. ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka Puntland.
Burburka dalka ayaa keenay qaawanaan ku dhacay xuduudaha dalka.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...
April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...
April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...
April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...
April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...
February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...
December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...
December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...
November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...
November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...
November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...
November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...