Friday, April 26th, 2024
header










Meta







Samaroonka Itoobiya oo dib u soo nooleynaya xisbigoodii qadiimka ahaa

Samaroonka Itoobiya ayaa dib u soo nooleynaya xisbigoodii qadiimka ahaa ee Horyaal. Shir xalay si aada loogu lafogurey isbedelka ka socda Itoobiya halkaas oo xoriyadu soo noqonayso ayaa la isla gartey in aan dib loo jogsan isbedelka.



Jabhada Horyaal ayaa qayb weyn ka qaadatay dagaalkii Dhergiga looga xoreynaayay dhulka Somali galbeed, inkastoo burburkii dalka Somaliya iyo dhicitaankii Dhergiga ee Mingestu siyaasada ay dib uga istaageen.

Isbedelka ka dhacay Itoobiya ayaa u baahan in lala jaanqaado waana ta keentay in shir ka dhacay London la isla gartey in xisbi ahaan looga qaybqaato isbedelka cusub.

Deegaanada Samaroonka ee Itoobiya ayaa inta badan ayna jirin wax horumara dhinacyada Korontada, biyaha, wadooyinka, iyo beeraha. Dhinacyadaas aan soo sheegnay oo Itoobiya inteeda kale qaarna dhoofiso sida korontada qaarna ay isku filaansho ka gaartey laakiin deegaanku ka aradan yahay.



Hadaba shirka xalay ka dhacay London ayaa qodobo deg dega la isla gartey oo ay ka mid yihiin 1) in xisbigii Horyaal dib loo soo nooleeyo hadana loo bixiyo xisbiga dimoqraadiga Itoobiya ee Horyaal 2) in la dhiso guddi ka soo shaqaysa sidii xisbiga dhidibada loogu taagi lahaa haddana ay sii wadaan guddi ku meel gaara.



Waxa ismaamulka ka jira xisbiyo kale sida ONLF iyo kuwo kale. Isbedelka Itoobiya ka socda ayaa u baahan in lala jaanqaado ayadoo la filayo in xisbiyada la furo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...