Friday, April 26th, 2024
header










Meta







Siyaasada qori isku dhiibka ah ee Somaliland reer Awdal xagay ka soo galaan

Siyaasada qori isku dhiibka ah ee Somaliland reer Awdal xagay ka soo galaan. Waxa markale majaraha maamulka Somaliland gacanta u galay laba jufo ee ISAAQ ee isbahaystey mid ka mida.

Waxaad is waydiin kartaa reer Awdal xagee uga banaan meel sidaa u xidhantey oo reer Awdal badankoodu hadda ku soo baraarugeen inkastoo dabcan ay si xun isku kala dileen dhexdoodu.



Isku dirka reer Awdal ayaa bilowdey markii suldaan Dhawal oo huwanaa magaca guud ee Gadabuursi uu la saftey Axmed Muumin Seed oo looga badiyay Wadani.

Taas ayaa waxay keentay in beelaha Makaahiil ka cadhoodaan kadib markii Suldaan dhan uu la kala saftey dadkii uu matalay. Taas oo keentay in cuqdad Makaahiil la gaarsiiyo beelaha Habarcafaan ha ugu sii qabyaaladeysnaadaan C/llaahi Dheere iyo Suldaan Dhawal laftiisu.



Maxadcase oo awal iyagu tirsan jirey in wixii Samaroon soo galo beelaha Makaahiil qaataan qaasatan Jibriil Yoonis iyo reer Nuur ayaa lacag badan oo Muuse Biixi iyo Saylici keeneen dab ku sii shidey, ayagoo abuuraya Makaahiil nacayb guud.

Codkii gobolka waxa ku guulaystey xisbiga Wadani inkastoo sidaa ay tahay ayna beelaha Makaahiil u wada codeyn xisbiga Wadani, halka deegaanada xeebta ee Saylici gabay beri hore ay si indha la’aana codka u siiyeen.



Doorashadii dhamaatey laakiin xanaftii Suldaan Dhawal bilaabay Muuse Biixi iyo Saylicina dabka ku sii shideen ayaase welli taala. Waxa maanta khasaaraha ugu weyn qabana waa dadkii cuqdada lagu kala dhex beeray.

Inkastoo la sugayo wasiirada Muuse Biixi soo dhisayo oo cadadkeeda la sii yaqaan iyo beelaha ay ka imaanayen ee ISAAQ, waxaad is waydiin kartaa reer Awdal maxaa faaiido ah oo u soo korodhey?



Jawaabtu waa qanjo ka guuroo isla qanjo u guur waayo Saylici oo meel madhana ayaa wata magacii Samaroon waxaan sugnaa waa isla ku tumashada hantida gobolka oo sii korodha.

Samaroon ayaa jooga xilligii ag ugu leeteen siyaasad ahaan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...