Saturday, April 27th, 2024
header










Meta







Somaliya oo markii ugu horeysay dib u bilaabi doonta boostada dibedda

Somaliya ayaa markii ugu horeysay dib u bilaabi doonta boostada dibedda kadib burburkii ku yimi dadka iyo dalkaba. Somaliya ayaa ka mid ahayd wadamada ugu horumarsan dhinaca boostada burburka kahor.

Wasaaru dawladaha, Mudane C/laahi Bile Nuur, oo soo jeediyay qorshaha wasaaradda ee dhinaca boostada ayaa sheegay in bishii Luulyo ee sanadkan ay wasaaraddu la soo saxiixatay Boostada Jabuuti heshiis wada-shaqeyn ah oo dhex maraya Boostada Soomaaliya iyo midda Jabuuti.



Sanadkii 2013-kii ayaa la billaabay in la keeno boostada ka imanaysa dibedda, hase yeeshee ma suurtogelin in dibedda loo diro boostada ka baxaysa dalka.

“Ciwaanka kaliya ee Soomaaliya ka jira waa sanduuq boosto, waxaana u baahan shirkadaha, macaamiisha bankiyada, jaamacadaha iyo xafiis kasta. Waxaan dooneynaa inaan isbeddel weyn ka sameyno qaabka ay u shaqeyso Boostadu ayuu yiri wasiirka.



Wuxuu intaa raaciyay in ay astaan u tahay dawladnimada iyo ilbaxnimada, waxayna fududeysaa adeegyada ganacsiga iyo dawladdaba.

Haddaba waxaan dadweynaha ku wargelineynaa inay u diyaar garoobaan isbeddelada cusub ee lagu sameyn doono Boostada Qaranka” ayuu hadalkiisii ku soo gagabeeyay wasiir Bile.



Dhinaca kale guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada ayaa go’aamiyay in dhammaan wasaaradaha xukuumaddu ay faraan shirkadaha iyo hay’adaha is-diiwaangelinaya ama cusbooneysiinaya rukhsadaha inay la yimaadaan caddeyn muujineysa inay leeyihiin sanduuq boost.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...