X

109 ciidanka Maraykanka oo ku waashey gantaalihii Iiraan

Wasaarada difaaca Maraykanka ayaa warbixin ku sheegtay in weerarkii gantaaleed ee Iiraan ku qaaday saldhigyada Ciraaq ee Maraykanku ku leeyahay halkaas ay ku waasheen 109 askari. Tirada aadka u badan ee maamulka xagjar Taram qirtey ayaa wax weyn u dhimaya qirashadii hore ee ahayd cid wax Kuma noqon.


Warbixinta wasaarada ayaa lagu sheegay in hadda 70 ka mida ay dib ugu noqdeen shaqadii ay hayeen halka ayna sheegin inta kale xaalada ay ku sugan yihiin, waxayna warka ku soo koobeen keliya inay warar dheeraada bixin doonto kolba sida xaaladu isku bedesho.

Tani waxay cadaynaysaa in hadii Maraykanku dagaal la galo Iiraan ay dhamaan askartoodu waali toosa wada qaadi doonaan inkastoo ay fogtahay in Maraykanku si toosa u weeraro Iiraan ayuu qabaa Cali Calasow.


Iiraan iyo xulafadeeda ayaa welli hoosta ka wada weerarada joogtada ah ee ay Maraykanka uga saarayaan gacanta bariga dhexe. Waalida maskaxda ayaa dhowr nooca tani waa mid ka timi naxdin iyo baqdin ayuu yiri Cali Calasow.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.