X

Erduqaan oo loogu baaqay inuu ka baxo Siiriya

Madaxweynaha Turkiga Dayib Erduqaan ayaa loogu baaqay inaanu Ku raaxaysan dhiiga uu ka daadinayo Siiriya qaasatan gobolka Idlib halkaas oo ay joogaan maleeshiyads uu taageero ee argagixisada  ah. Argagixisada gobolkan joogta ayaa looga soo adkaadey gobolada dalka.


Erduqaan oo hore u daadiyay dhiiga muslimiinta Siiriya ayaa sheegay inuu Ka aargudanayo ciidanka Siiriya ee argagixisada ka sifeynaya gobolkaas.

Shalay ayay ahayd markii Shan ka mida ciidanka Turkiga lagu diley halkaas, halka saakana Erduqaan ku faanay inuu soo ridey diyaarad helikobtara oo ay leeyihiin ciidanka Siiriya.


Waxa dhinaca kale uu maleeshiyadan akhwaanka u isticmaalayaa inuu dagaal kula galo ciidanka Jeneraal Khalifa Xaftar ee Liibiya.

Erduqaan ayaa ah hogaamiyaha keliya ee Muslima ee rabshado iyo dhibaato ka wada laba wadan oo Muslima. Dhawaan ayay ahayd markii Ruushku Erduqaan ka badbaadiyay inuu daadiyo dhiiga Kurdiyiinta Siiriya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.