Garoowe: 1 May 2015–Waxa shalay Garoowe ka bilaabmey shir la yiri waa aayo ka tashiga Somalioda oo ay ka soo qaybgaleen sadex maamul goboleed iyo Xasan Sheekh. Waxa jiray in dadka Somalidu is waydiinayaan sadex wata qorshayaal lidu ku ah sida loo waydoon karo mustaqbalka ummada dhan.
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ku tilmaamay shirka Garoowe uga furmay saddex ka mid ah maamul goboleedyada Soomaaliya mid lagu sii kala fogeynayo ummadda Soomaaliyeed.
Baarlamaankii Soomaaliya wuxuu u muuqdaa mid magac u yaal ah oo aan waxba ka qaban karin shirqoolada lagu wiiqayo Qaranimada iyo masiirka ummadda, waa idin metelnaa laakiin waxba ma qaban karno ayuu yiri Xildhibaankaas, oo ka gaabsaday magaciisa in la xuso, wuxuuna intaa ku daray in Soomaaliya ay ayaan darro ugu filan tahay in masiirkeeda lagala tashado sida C/weli Gaas, Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe.
Iyaga oo fulinaya barnaamij loo soo dhiibay ayey Garowe isugu yimaadeen; hadafkoodu wuxuu yahay in maamul kasta uu isku taago Dowladda oo uu yiraa: Dowlad ayaan ahay, waxey fulinayaan ajendihii ay Kiiniya & Itoobiya u soo dhiibeen.
Soomaali inteeda kale-na waa fiirsaneysaa ayuu yiri xildhibaankaas, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in Kiiniya & Itoobiya oo adeegsaneysa shaqsiyaad muuqaalka Soomaali ka ah in ay kala shaqeynayaan kala qeybinta & burburinta dalka.
Qorshaha cadowgu doonayo waxeey tahay in Soomaali qabiil qabiil la isaga horkeeno iyada oo la adeegsanayo qofba qofka uu ka liito ayuu yiri xildhibaankaas, wuxuuna intaa ku daray in ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto in ay ku baraarugaan shirqoolada lagu baabi’inayo jiritaankooda.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay