X

9 xadiis oo taabanaya Isdhexgalka dumarka iyo ragga masjidka rasuulka scw: Qaybtii 1

Dunida Muslimka waxaad arkaysaa inay inta badan ka tageen waxyaabo caadi ahaa xilligii rasuulkeena scw scw noolaa ee diinteenu kolba soo degi jirtey noqdeena xagjir tusaale is dhexgalka ragga iyo dumarka.

Waxa caadiya in suuqyada iyo meelaha shaqada inaanu jirin derbi u kala dhexeeya ragga iyo dumarka laakiin markay timaado masaajidka IN xilliyadan dambe uu jiro xanibaado soo wajaha haweenka.


Is dhexgalkii dhexmari jiray ragga iyo dumarka ee ka dhici jirey masjidka rasuulka scw scw waxay ahaayeen kuwa joogta ah waxana masjidka laftiisa nadiifin jirtey haweenay.


Waxa hubaala in masjidka rasuulka scw scw kulanadaa darteed aan la bedelin qaabka uu u dhisan yahay iyo safafka salaada toona oo sida hadda dhacda ay jiraan qaybo loo gooyo haweenka ama masaajidada ugu dhow ay maro u kala xiraan ragga iyo dumarka. LAAKIIN  taasi ma jirin xilligii rasuulka scw scw oo hal meel ayaa lagu wada tukan jirey.


Xadiiska koowaad

Xadiiska koowaad ee inooga waramaya waa mid oranaya ragga iyo dumarka meel ayay ku wada wayso qaadan jireen. Markii la weydiiyay ninka warinaya xadiiska ma xilligii rasuulku noolaa, wuxuu ku jawaabay HAA. Xadiisyada noocana inta badan lama maqlo.

Xadiiska sare waxa uu ku qoran yahay Muwatada Maliki, Khusaymiyah, Al Nasaa’i, Musnadka Axmed iyo kuwo kale.

Xadiiska labaad


Xadiiska labaad ee aan qormadaan is dhexgalka ragga iyo dumarka ayaa waxa uu ku qoran yahay Bukhaari wuxuuna oranayaa: rasuulka scw svw ayaa naga dhex kacay, waa na wacdiyay, isagoo ka hadlaya rafaadka uu maro qofka dhintey ee qabriga ku jira, kadibna sawaxan dheer ayaa baxay taas oo ii saamixi wayday inaan wada maqlo hadalka rasuulka scw scw, markii buuqii istaagay ayaan nin ugu xigey ku idhi RABI haku barakeeyee muxuu rasuulku scw scw ku dhameeyay hadalka.



Ninkii ayaa iigu jawaabay wuxuu rasuulku yiri scw scw waxa daboolka la iiga qaaday in qabriga dhexdiisa la idin marsiin doono tijaabo u dhiganta mida Adajaal marsiinayo dadka. Xadiiskan waxa werisay Asma.

LA SOCDA QAYBTA LABAAD

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.