November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Gudoomiye C/raxmaan Ciro oo Muuse Biixi uga digey inuu kordhisto

Gudoomiyaha xisbiga Wadane ee maamulka Somalilaan ayaa uga digey horjooge Muuse Biixci inuu kordhisto muddo xileedkiisa oo kaga eg sanadka dambe aakhirkiisa. Horjooge Muuse Biixi ayaa qorshaynaya inuu kordhisto.



C/raxmaan Ciro oo maanta aad loogu soo baxay ayaa sheegay in Muuse Biixi halis ku yahay nabada lagu naalooday gobolad Woqooyi ee dadku xajisteen.



”Wax kasta oo ka dhaca qaskaa uu abuurey horjooge Muuse Biixi isaga ayaa qaadi doona wixii ka yimaada, waxaan uga fadhinaa inuu doorashadaa qabto xilligeedu ee aan isku dayin inuu kordhisto mudddada ayuuu yiri C/raxmaan Ciro.




Dadka indha indheeya maamulka Somalilaan ayaa qaba in horjooge Muuse Biixi uu kordhisan doono muddada, ayadoo dadka badankiisu rabaan inay arkaaan dhabarkiisa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS