Monday, April 29th, 2024
header










Meta







Maxay tahay ujeedada Ruushku diyaar-garow u geliyay ciidankiisa?

Waxa barabagaando baahsan oo ciid isku qarina muddo laba biloda waday Maraykanka iyo xulafadiisa ay ugu horeeyaan Ingiriiska iyo kuwa kale oo ahayd in Ruushku qabsaany Yukarayn. Ruushka iyo Yukarayn waa dad walaalo ah oo la isku yiraa Islaaf.

Waxana asal ahaanba isku direy Maraykanka iyo xulafadiisa oo ka shaqeeyay kacdoonkii inqilaabka ahaa ee lagu sameeyay madaxweynihii Yukarayn ee sanadii 2013. Madaxweynahaas oo u cararay Ruushka magangelyo weydiistay inkastoo uu soo noqday markii dambe.



Intaas wixii ka dambeeyay waxa Yukarayn ka qarxay dagaal culus oo xoogaga Ruushka ay uga go’ayaan Yukarayn inteeda kale maadaama xukunkii dalka la boobay, dagaalkaas waxa si xun loo garaacay ciidanka Yukarayn.

Maleeshiyaadka Ruushka ah ee degan labada gobol ee xadka la leh Ruushka ayaa ku dhawaaqay inay xor ka yihiin Yukarayn, waxa intaas kadib Ruushku soo galay codna u qaaday gobolka Karaymiya oo Ruush badan degan yahay. Waxay codkaas ku go’aansadeen inay Ruushka dib ugu biiraan.



Waxay tani ka cadhaysiisay reer galbeedka siiba Maraykanka oo awood u waayay uu ku joojiyo cod bixintaas. Waxa lagu guulaystay welibaFaransiiska iyo Jarmalku bilaabeen in colaada la joojiyo si ay u hubeeyaan Yukarayn uguna soo daraan ururka NAATO.

Ruushka oo aan waxba ka qaroonsayn ayaa saxiixay xabad joojin u dhaxaysa dadka Ruushka ah ee goostay labada gobol ee ka tirsan Yukarayn oo hadda ay ka taliyaan muddo 7 sanno ah.



Haddaba xabad joojintaas la saxiixay waxaan ku faraxsanayn oo hoos ka diidanayd Yukarayn oo qabta in dalkeeda laba gobol ayna gacanta ugu jirin, gobolkii xeebtuna kuba biiray Ruushka. Waxay bilowday inay is hubeyso iyadoo ku taamaysa inay awood ku soo ceshato labadaa gobol ee maqan, waxana si xun u hubeeyay Maraykanka iyo Ingiriiska.

Tan waxay ka cadhaysiisay Ruushka wuxuuna ku hanjabay haddii Yukarayn weerarto labadaa gobol ee Ruushku degan yahay inuun daawanayn in dadkiisa hortiisa lagu xasuuqo, wuxuu bilaabay inuu diyaar garow geliyo ciidankiisa, isagoo og in goboladaas hadda laga xoog weyn yahay.



Dhinac kalana waxa Maraykanku waday olole ah inuu Yukarayn ku soo daro ururka NAATO waxase diiday Jarmalka iyo Faransiiska oo iyagu qaba intaas keenayso dagaal horleh oo u dhexeeya anaga iyo Ruushka, ayna fiican tahay in nabad wax lagu raadiyo.

Kibirka Yukarayn oo si xun loo hubeeyay ayaa markale ku kalifay Ruushka inuu diyaar geliyo ciidankiisa, weyna cadahay in Yukarayn iyo Maraykanku midna ku soo dhawaan karin xadka Ruushka.




Marka Ruushka way ka go’an tahay inayna Yukarayn ku biirin NAATO oo dan ugu jirto wadamada Yurub iyo inayna weerar ku qaadin dadka Ruushka ah. Haddana waxay kubadu taalaa Maraykanka iyo gacan yarehiisa Ingiriiska oo hadda ku soo hadhay urur ku sheega NAATO inay xaqiiqada soo taabteen, ayaguna baqdin awgeed waa kuwa leh ka soo baxa Yukarayn.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...