Wasaarada ganacsiga iyo difaaca shaqaalaha ee dalkaasi Ruushka ayaa sheegtay inay qaramayn doonto hantida shirkadaha raacay siyaasada dalalkooda ee albaabada u xirey meheradaha ay ku lahaayeen. Shirkadahan oo u badan Maraykan iyo kuwa dabadhilifka u ah ayaa waxa ku jira Microsoft, IBM, Apple, Mcdonald oo Maraykana.
Halka dabadhilifyadana ay ku jiraan dukaanada weyn ee Iswidhan laga leeyahay ee IKEA, iyo H&M iyo gawaadhida Jarmalka laga leeyahay ee Vogawagen, iyo Boosh iyo shirkada weyn ee Toyota iyo kuwo kale oo badan.
Shirkadahaas iyo kuwo kale ayaan dib ugu soo noqon doonin dalka weyn ee Ruushka oo runtii aan u baahnayn. Ujeedada ay u baxeen ayaa ah cadaadis uga yimi dawlada Maraykanka oo cunaqatayn saartey.
”Liistadu ma koobna ayuu yiri wasiirka ganacsiga iyo difaaca shaqaalaha dalkaasi, waxana qaramaynta ka qayb qaadan doona booliiska dalkaasi iyo hay’ada macaamiisha.
Waxay tani ka dhigan tahay inay dembi ka galeen macamiisha isla markaana lagu qaadi doono xukunka ay mutaan ayuu yiri wasiirka ganacsiga.
Maraykanka oo wata dabadhilifyada reer Yurub ayaa sheegay ayaa raba inuu dhulka geliyo dhaqaalaha Ruushka. Inkastoo mustaqbalka dhow wax u dhimi doonto cashuuraha gudaha ka soo galayay dalka laakiin mustaqbalka fog waxa guushu raacaysaa waa Ruushka yuu yiri Xuseen Warsame.
”Waxa meesha xidhmay waa tukaano ee xirfad iyo aqoon ma guurin, keliya waxa soo baxaya tukaano kale oo bedela kuwii hore iyo Ruushka oo ay ka dilaacaan yuikaano cusub ayuu raaciyay Xuseen Warsame. Waxana fursad ay u soo baxday isla Ruushka laftiisa oo buuxin kara xirfadihii ay la baxeen.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay