November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Masuul sare oo ka tirsan Awdalstate oo ciidanka Siilaanyo kala baxeen huteel uu ka degan yahay Boorama

Wararka aan ka helayno Boorama ayaa sheegaya in ciidanka Ramaax ay masuul sare oo ka tirsan Awdalstate ay kala baxeen huteel uu ka deganaa Boorama. Maxamed Jaamac oo Awdalstate u qaabilsanaa arimaha gudaha ayaa wararku nagu soo gaarayaan in uu baryahan ku sugnaa caasimada Awdal.

Warar dheeraada oo isku daynay in aan ka helno dhinaca booliiska magaalada ayay no suurtoobi waydey in aan ka helno wax jawaaba.

Maamulka Siilaanyo ayaa sheegta dimoqraadi waxayna xabsiyada ku guraan shaqsiyaadka ka soo horjeeda siyaasada gaaban ee gooni goosadka qaasatan kuwa reer Awdal. Talaabooyinka noocana ayaa kaliya sii xoojinaya in gooni goosadka ay raadinayaan uu qarniyo dib u dhaco waa haddii dalku sii burbursanaadabee.

Wixii warara ee ku soo kordha ku xirnow ARAABINEWS.COM

Nagala soo xiriira araabimedia@gmail.com

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM