Gaashaandhiga dalkaasi Ruushka ayaa godka ku hubsaday gantaalaha ugu khatarsan aduunka ee loo yaqaan Sarmat ee xambaarsan nukliyeerka ee ka dhigaya Maraykanka. Rakibaada gantaalaha ayaa timi kadib markii Maraykanku uu Yukrayn u balanqaaday inuu siinayo gantaalihii lidka difaaca ee cirka. Ruushka ayaa sheegay inuu burburin doono.
Ciidanka xooga dalka eeĀ Ruushka ayaa ugu yaraan 15 gantaalahaas nukliyeerka ku hubsaday godadka laga rido qayb ahaan halka kuwa kalana lagu diyaariyay gawaadhi gaashaaman oo aan la arki karin.
Maraykanka ayaa dagaal uu ku fashilmay kula Jira Ruushka asagoo ku gabanaya Yukrayn. Xulafada ku hungoobay raacidiisa ayaa waxa soo wajahay dhaqaale burbur xoogan oo ayna ka soo kaban karin halka Ruushka ay lacagtiisu hadda tahay mida ugu adag.
Diyaarinta gantaalaha ayaa ka dhigan in Ruushku ku cabsiinayo Maraykanka inaanu waxba qaadi karin ee uu ka haro hubeynta Yukrayn waxayse u tahay Maraykanka oo islahaa Ruushka waad ka adkaatay is adkayn aanu guul ka gaadhayn. Si kastaba ha ahaatee waa halis ku soo kordhaysa adduunka.
Gantaalaha Sarmat ayaan haba yaraatee la soo ridi karin sida ay u duulaan awgeed, Maraykankuna ilaa hadda waxay la rafaadsan yihiin samayunta gantaal noocaasa
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay