12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Raiisal wasaaraha oo ka tacsiyeeyay ummada Muslimka dhacdadii ka dhacday Xaramka

Raiisal wasaaraha Somaliya ayaa ka tacsiyeeyay ummada Muslimka ah dhacdadii ka dhacday Xaramka ee ay ku geeriyoodeen in ka badan 107 qof oo xujaaj ahayd oo ay Somali ku jirto iyo dhaawaca oo aad u farabadan.

Waxaan tacsi u dirayaa ehelada shacabkii Muslimiinta ahaa ee ku shahiiday mashaqadii ka dhacday Magaalada Barakeysan ee Makka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo si gaar ahna tacsi ugu diray dowladdaha, Hindia, Turkey iyo Masar oo muwaadiniinta ugu badan ay kaga geeriyoodeen shilkaasi. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray Boqorka dalka Sucuudiga Salmaan Bin Cabdulcasiis Al Sacuud, wuxuuna u rajeeyey inuu alle u fududeeyo howsha adag ee badbaadinta iyo daryeelka dadka ku dhaawacmay shilkaasi.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM