22/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Somali qolfoof iyo cuduro halisa ka qaaday jeelal lagu hayo dalkaasi Liibiya iyo haweenka oo lagu kufsado: ARAG naxdin

Jeel weyn oo ku yaala Liibiya ayaa lagu hayaa ilaa 900 oo qof oo isugu jira Somali , Suudaani iyo Eritariya kuwaas oo loo gaysto garaacid iyo jirdil joogta halka haweenkana lagu hayo goob naqasku kugu dhegayo laguna kufsado. Maleeshiyo ka tirsan jabhada Tripoli ka talisa ayaa sheegtay in ay dadkan soo badbaadisay.

Haweenay hadashay ayaa ka sheekaysay sida xataa kaadidana aan loogu ogoleyn. Somali qolfoof ku noqotey goobta ayaa saxaafada tusey cudurada ka dilaacay jirkooda.

Haweenay kale ayaa ka sheekaysay dumar la soo kufsadey oo ku dhalay saxaraha iyo qaar caruurtoodii laga qaatay ilaa hadana aan la garanayn halka ay ku dambeeyeen.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM