Diyaarad laga leeyahay Kanada oo ka soo duushey Yuhuuda ayaa loo weeciyay dalkaasi Jarmalka inta aanay gelin badda weynta Atlantica iyo sababta oo lagu sheegay in Ey uu ku jirey xaalad xun. Bayloodka diyaarada ayaa dareemay in heerkulka diyaarada qaybta alaabada la dhigo uu kuleyliyaha aanay si fiican u shaqaynayn taasina ay keeni karto in qaybtaasi barafowdo marka diyaaradii gaadho xawaare sare maadaama hawada sare ay qabowdahay.
Sababtaasi awgeed ayaa bayloodkii go’aansaday in diyaarada si deg dega loo fadhiisiyo Jarmalka magaalada Frankfort halkaas oo la fiiriyay lana saxay is bedella heerkulka ee qaybta dambe.
Ninka iska leh Eygan ayaa isagu amaanay sida wacan ee la yeelay isagoo sheegay in eygu yahay noloshiisa waxkastana uu uga fiican yahay. Dadkii rakaanka ee la socday diyaarada ayaa iyagu u garaabay waxay daah noqdeen muddo 75 daqiiqo.
Rashid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay