22/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Ururka Fifa ee kubada aduunka ayaa shaqadii ka joojiyay Jerome Valcke oo ahaa xoghaya guud ee ururka

Ururka kubada aduunka ee Fifa oo baryahanba lagu haystay wax is dabamarin siyaasadeed ayaa hadda shaqadii ka joojiyay xoghaya ururka ninka lagu magacaabo Jerome Valcke. War murtiyeed kooban oo ka soo baxay Fifa ayaa lagu sheegay in Jerome Valcke lagu helay eedaymo aad u khatara taasna ay keentay in laga hakiyo shaqadii.

Jerome Valcke oo u dhashay Faransiiska ayaa la filayaa in uu dafiro eedayntan waxase uu shaqadan hayay ilaa sanadii 2007,, wuxuuna ku soo biirey Fifa sanadii 2003 halkaas oo u qaabilsanaa ururka qaybta xayaysiinta. Dhinaca kale wuxuu ahaa nin ay aad u saaxiib ahaayeen hogaamiyaha ururka Sepp Blatter oo Maraykaka iyo Ingiriisku eryanayaan maadaama uu siiyay tartanada 2018 iyo 2022 wadamada Qadar iyo Ruushka.

Waxa kale oo la sheegayaa eedaymo ku saabsan in uu Koofur Afrika ka qaatay tobaneeyo milyan si ay u martigeliso ciyaaraha sanadii 2010. Dhamaan eedaymahan ayaan wali la cadayn.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM